Mucjisooyinka Illaahay: Xayawaanka Lab (Nin) ee Rima (Uuraysta) layaabka Dunida
Axad, 05.sep,2010(Qiso)

Waxaa jira kallunka yar oo ku nool baddaha meelaha laga helena ay xeebaha Somaalidu degto ka midyiihiin, kaas oo dadka qaarkood u yaqaaniin (Faraska bada ,Dameerka bada ama Eyga Badda )

Sharaxaada Faraska Bada

Sida ay sheegaan aqoonyahanada Xayawaanka (Zoology ) inta la ogyahay tirada sugan ee Faraska baddu waa 35-40 nooc oo kala duwan kuna nool degal ku haboon qaab nololeedkiisa , qiyaastiina dhererkiisu uu le'egyahay ( 1.2cm ilaa 1.5cm ), madaxa waxa uu ka shabahaa faraska. dabadana wuxuu ka shabahaa, Dayeerka (Daanyeerka) iyo Jir-jiroolaha (Maskax Geel kala baxda ama carab dheerta) iyo indhaha oo uu ka shabaho xayaawanka caadiga ah, inkastoo labadiisa indhood mid walba gaarkeed (gooni) ay wax u aragto mana wada shaqeeyaan,sidoo kalena malaha calool ciidamisa cuntada uu quuto oo isla markiiba jidhkiisa ayaa dheefshiida ,Cimrigiisuna inta badan ama dhaafo 5sannadood ,waa sida ay sheegaan aqoonyahanada Zoology.

Xarakaada Faraska Badda

Ninku waxa uu dabaal- joogsada 1cm oo isku wareega halka ka dhedigna salka dhigin bada oo ay meeraysato. sida kaluunka kalle dabada dheer uu ugu dabaasho isagu dhirta iyo dhagaxa ayuu ku qabsadaa ee baadka ku yaala duudka ayaa u sahla in uu xaga hore u dhaqaaqo, waxaana hogaan u ah ( Steerin ama shukaan) uu ku leexdo muruqa dambe ee madaxa wuxuuna cuni kara 3000 oo ah xansharaadka yar yar ee bada ee loo yaqaan Brine Shrimp (gaxash) sida( dabo-qaloca bada , koronkorta bada, gaxashka yar-yar , qooqabka yar-yar iwm

Qaabka uu u Uurayto ama uu u Rimo.

Sida noolaha kalle ayuu leeyahay Lab iyo dhedig,laakiin isagu aadbuu uga duwanyahay kaluunka kallee gaar ahaan sida dabaalatada, xamaaratada, iyo boodlayda yar yar ee ku nool biyuhu ay u tarmaan ee ay ugu badhxaan macdanta sirta ah ee Illahay tarankooda ka uumo, kuwaasoo is la falgala sida raha ama (haraha), laakiin labadoodu wajigooda ayay isku aadiyaan oo xabadka hoostiisa ayay ku leeyihiin kiish (oli) yar oo ka dhedig uu ka soo burqiyo( bujiyo) Ugxanta kiisa labna uu ku koriyo Ugxanta .

Faraska dhedig ugxantiisa ayuu soo daynayaa isagoo lingaxa ka jaraya kiishka ka lab oo ku shubaya ugxantiisa,dabadeedna ka lab ayaa ku badhxaya macdantiisa ( Manida)oo la falgalaysa taasoo bacriminaysa ugxanta, waxa uuna ku korinayaa ilmogaleenkiisa isagoo rimanaanaya 2.6 todobaad , mana quuto cunto badan inta uu uurka leeeyahay dhaq-dhaqaasiisu aadbuu u yaryahay 72saacadood ka dibna wuxuu ku foolanayaa oo uu dhalayaa 200 oo faras oo yar-yar ka ugu badan wuxuu dhalaa 1800 oo faras oo yar-yar .

Hadaba Culimada islaamku siday u arkaan mucjisadan oo damiirkeena islaamnimo uu diidanyahay oo uu inoo saamaxayn in dhegaha u raaricino waxyaabaha qarkood ?



Waa diyaarintii
Mahdi Farah Aden( Mahdi Ghandi)
farahaden99@hotmail.com
Moqokori.net
Holland
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com