|
|
|
|
Ciidamada Dowladda KMG ee Gobolka Hiiraan oo dhaqdhaqaaqyo iyo soo ruqaansi ka bilaabay Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Axad,29, Augus. 2010 (Moqokori) Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Ceelgaal iyo Kalabeyrka ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay halkaasi ka socdaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya oo dhawaan masuulliyiinta u sareeysa ciidamadaas ay ku goodiyen inay gobolka ka sifeyn doonaan maliishiyada shabaab Dadka deegaanka ayaa sheegay Ciidamada dowladda KMG oo ku hubaysan gaadiid fara badan oo ah midka dagaalka in ay dhaqdhaqaaqyo ka wadaan Isgoyska Kalabeyrka iyo dhanka Deegaanka Ceelgaal oo qiyaas ahaan 15 KM u jirta Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka hiiraan taasoo laga yaabo in ay bilay u yihiin dagaalo ay mal mahan iclaaminayen saraakiisha ciidamadaasi. Wax war ahi saaka kama soo bixin Saraakiisha Ciidamadaasi dhaqdhaqaaqyadan ay ka wadaan Deegaanada ka midka ah Gobolka Hiiraan, kaasoo ku wajahan dhanka Magaalada Balad-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan inkastoo Gudoomiyihii hore ee gobolka Yuusuf Dbageed uu maalin uun kahor ku dhawaaqay weeraro ka dhan ah Al-shabaab oo ay ku sifeeyn doonaan dhamaan gobolka Hiiraan, sida uu yiri. Waxaa laga cabsi qabaa haddii ay sii socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidan ay wadaan Ciidamada Dowladda KMG Gobolka Hiiraan in ay halkaasi ka bilowdaan dagaalo dhex mara Al-shabaab iyo ciidamada Dowladda KMG ee Soomaaliya ee kasoo jeeda Hiiraan.
Xafiiska wararka
|