Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Muqdisho soo gaaray lana kulmay madaxweyne Shariif
Khamiis, 02, sep, 2010 (Moqokori)

Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hoggaaminayeen Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda B.Lynn Pascoe iyo Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa maalintii shalay safar kedis ah ku tegay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo ay dagaallo culusi muddo 10-maalmood ka socdaan.

Wafdigan ayaa waxay kulan albaabada u xirnaa la qaateen madaxweynaha dowlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka mid ah dowladda KMG Soomaaliya waxaana sida la sheegay ay kala hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee dalka Soomaaliya.

Waxa kale oo la sheegay in kulankaasi ay iskula soo hadal qaadeen taageerada Qaramada Midoobay u fidiso dowladda KMG Soomaaliya, waxayna mas’uuliyiintii ka socotay Q/midoobay ay u sheegeen madaxda Soomaaliya in dhawaan dalka Soomaaliya ay soo gaari doonaan saraakiil ka socota Qaramada Midoobay oo dhanka amniga gacan ka siin doona dowladda KMG Soomaaliya.

Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed waxa uu si gaar ah madaxda UN-ka uga dalbaday inay taageerro dhab ah siiyaan dowladiisa, wuxuuna si gaar ah uga warbixiyay dagaalada ka soconaya magaalada Muqdisho iyo saameynta ay dowladdiisa ku yeelatay dagaalladaas.

Booqashada wafdigan ka socda Q/Midoobay ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dagaalo culus magaalada Muqdisho ka socdaan muddo 10 maalmood ah, waxaana la sheegay in isla shalay ay Muqdisho ka dhoofeen.

Naasir cabar
Moqokori.net
Muqdisho
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com