Ahlu sunna Waljamaac oo lagala wareegay Mawlacii ay Siigaale kulahaayeen magaalada muqdisho
Sabti, 28, Augus, 2010 (Moqokori)

Dagaal xoogan oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Hodan ayaa Ururka alshabaab waxaa ugu suuragalay in ay lawareegaan fariisimo ay halkaasi kaga sugnaayen Ahlu sunna.

Dagaalka oo ahaa mid aad u xooganaa ayaa Ahlu sunna waxa ay kasoo baxeen mawlicii ay kaga sugnaayeen xaafadda Siigaale halkaasi oo ay uga soo baxeen dhanka Wadada Taleex iyo hodan soo aada.

Habeenimadii xalay Alshabaab waxa ay ku hoydeen gudaha mawlaca ay Ahlu sunna Siigaale kaga sugnaayeen, waxaana sidoo kale weerarkii ay kasoo qaadeen dhinaca dabka iyaguna ay u suuragashay in ay si aad ah ugu soo dhawaadaan Wadada dabka.

Inkastoo duqeymo xoogan loo geystay hadana Alshabaab kama aysan bixin weli xarunta Mawlaca oo ay kala wareegeen Kooxda Ahlu sunna, waxaana halkaasi haddii ay sii joogaan dagaallo xoogan oo aan nasiino laheyn ay soo wajaheysaa Ciidamada Amisom ee degan Dabaqa Shaqaalaha maadaama ay hoosta kasoo galeen.

Ciidamada Amisom ayaa illaa iyo hadda aanu qaadin wax weerar ah hayeeshee waxa ay kordhiyaan keliya duqeymaha marka ay arkaan in si aad ah loogu soo dhowaaday oo ciidamada Dowladda lasoo riixay.


C/Nasir Carab
Moqokori.net
Muqdisho
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com