Maamulka Gobolka Banaadir ee Ahlusuna Waljamaac oo ugu baaqay dadka reer muqdisho in ay ka qeyb galaan dagaalka Muqdisho.
Jimco, 27, Augus, 2010 (Moqokori)

Afayeenka Maamulka culimaaudinka Ahlusuna Waljamaaca gobolka Banaadir Shiikh Maxamuud Axmed Shuuriye ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dagalaka ay kula jiraan Xarakada Shabaab ee ka socda Dagmooyin ka mida Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Afayeenka Mamulka Gobolka Banadir ee Ahlusuna Waljamaaca waxaa uu Dowllada ku meel garka ah ee Soomaaliya ka codsaday in ay tagaeero buuxada siyaan Culimaudiinka Ahlusuna Waljamaaca si buu yiri Dagaalda ay kula jiraan Xarakada Shabaab iyo Xisbul islaam looga mira dhaliyo

Shuuriye ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalka ay Dhiancayada ay isku hayaan Magaalda muqdisho iyo qeybo kale oo ka mida Gobolada Dalka, dadkana ay ugu baaqayaan in la laba laabo si buu yiri ay meesha ugasaaraan Wax uu ugu yeeray cado ku soo duulay Dalka,

Hadalkaan ka soo yeeray Afayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee culimaa`udiinka Ahlusuna Waljamaaca ayaa imanaya xili ay Al- Shabaab ugu baaqeen Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay ka qeyb galaan Dagaalada ay kula jiraan Ciidamada Dowlad,Amisson iyo Ahlusuna waljamaaca, iyo iyada oo ay dagaalo xoogan Maalmahii lasoodhafay ka soconayeen Magaalda Muqdisho.


Muuse Maaxay
Moqokori.net
.Muqdisho
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com