Qiso Jaceyl oo dhex martay lamaane Soomaaliyeed “Qof ku Jecel Sidaanoo Kale Ma’u Qiyaani Laheyd??”
Jimco, 03, sep, 2010 (Qiso dheer)

Dhacdadaan oo dhacdo xanuun badan ah ayaa waxay dhex martay lamaane Soomaaliyed oo lagu kala magacaabo C/Casiis iyo Sacdiya, C/Casiis ayaa xiriir lasoo sameeyay Wariya-yaasha Barnaamijka Xiisaha Badan ee Isha Dhacdooyinka Caalamka, isagoo inooga waramay sidii ay wax u dhaceyn, waxayna sheekadu ku bilaabaneysaa sidatan:-

Waxaan ku dhashay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, sanadka markuu ahaa 1984-kii, waxaanse kusoo barbaaray xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huliwaa, waxbarashadeyda waxaan kusoo qaatay iskuulka Ibnu Khuzeema oo ku yaalla degmada Hiliwaa.

Sidoo kale Sacdiya ayaa waxay iyana ila degneyd xaafadda Suuqa Xoolaha, hase ahaatee Sacdiya ayaa waxaa isku baranay wiil aanu saxib aheyn dartiis, maxaa yeelay Saxibkey ayaa waxay wada- sheekeysan jireyn Sacdiya gabar ay saxibo ahaayeen, anigana halkaasi ayaa ka helay gabadha sida xun ii qiyaano doonto ee Sacdiyo.

Aniga iyo Sacdiya inta badan waxaa ku wada shekeysan jirnay khadka teleefanka, sidoo kale waxaa ina dhex maray jaceyl baxaadweyn ku fadhiya, isla-markaana bulshadii ku dhaqneyd degmada Heliwaa ee Muqdisho, ayaa si’aad ah inooga maseeri jiray, mararka qaarkoodna waxayna inoogu yeeri jireyn “Lamaanahani Ma Qays iyo Leyla baa”.

Sacdiya walaalkeyd oo ay la-nooleyd ayaa wuxuu ka war helay in aniga iyo Sacdiya uu inaga dhaxeeyo xiriir, isla-markaana wuxuu si’aad ah uga soo horjeestay inay walaashiis ila sheekeysato, isaga oo igu diidaaya qoyska aan kasoo jeedo, maxaa yeelay xilligaasi magaaladda Muqdisho, waxaa ka jiray qabiilo ay u dhaxeyso dhiilo colaadeed.

Sacdiya ayaa waxay iskaga soo tagtay xaafadda Suuqa Xoolaha oo uu ku curtay caashaqeynii, iyadoo u soo guurtay xaafadda Carwo iidka, waxayna la-joogtay gabdho ay qaraabo ahaayeen, sidoo kale anna waxaan iskaga soo guuray xaafadda Suuqa Xoolaha, anigoo u soo guuray xaafadda SOS ee degmada Heliwaa, isla-markaana xiriirkii inoo dhaxeeyay aniga iyo Sacdiya ayaa halkaasi kasii amba qaadnay.

Xilligii aan dhameyn rabay dugsigeyga sare, ayuu i soo wacay aabahey oo ku noolaa Qaaradda Yurub, wuxuuna i sheegay inuu doonaayo inuu i diro dalka Masar, si’uu halkaasi iga qaado nin ka imaan doono dalka Maraykanka, uuna i geeyo dalka Maraykanka, isaga oo igu qaadaaya waxa ay Soomaalidu ugu yeeraan Is-xambaar.

Sacdiya ayaa waxaan u sheegay waxa uu aabahey igu yiri, sidoo kale iyana waxay igu tiri “Gacaliye waa war lagu farxo, inta aadan bixina horey ii sii maherso” hase ahaatee Sacdiya oo aan aad u jeclaa ayaa waxaan ka xishooday inaan si hoose u mehersado, waxaanse ku iri, Macaan waan kasoo fikiri doonaa.

Muddo kadib ayaa waxaa i soo baxday inaan guursado Sacdiya, isla-markaana aan u sheego aabahey inaan jeclahay gabar, welibana aan ka maarmin, aabahey ayaa si’aad ah iga carooday, hase ahaatee jaceyl uu ii qabo awadeed, ayuu iga ogolaaday, balse wuxuu igu yiri “Aabe hada lacag faraha kuma haayo ee 4 bilood oo kaliya fursad i sii”, waana ka aqbalay.

Xilligii ay balanta ka hartay hal bil oo qura, ayaa waxaa Sacdiya ka dareemay cago-jiid iyo gaabsi, mar walbana marka aan wax ka weydiiyo waxa keenay inay iga gaabsato ayaa waxay igu jawaabi jirtay “Macaane sidii baan ku ahay, oo wax isbadal ah majiraan”

Waxay dhawr jeer iga codsatay inaan dib u siiyo, sawiro aan aniga iyo iyada soo wada galnay, iyo sawiro kale oo ay iyadu laheyd, hase ahaatee habeen habeenada kamid ah, ayaa waxay igu imaaday xaafadeydii Sos, sheeko dheer kadib ayaa waxay igu tiri “C/Casiisoow waxaan doonaayaa inaad dib igu soo celiso sawiradeyda” markaas ayaa waxaan ku iri sabab? Saa waxay igu tiri “Gacaliye wax dhib ah majiraan, balse waxaan jecleystay inaan iska soo daawado oo kaliya” anigoo ka cago jiidaayo, ayaa waxaan siiyay qaar kamid ah sawiradii.

Waan soo dhaweeyay oo waxaan keenay boosteejada laga soo raaco gawaarida, waxaana ku iri, marka aad guriga tagto i soo wac, si’aan u ogaado inaad nabad ku tagtay iyo kale, bacdamaa ay wax walba dhici karaan, waxayna igu jawaabtay anigaa kusoo wici doono.

Habeenkii oo dhan ayaan dul taagnaa teleefankii guriga inoogu jiray, hase yeeshee maysan i soo wicin, sidoo kale xilligaas waxaa ii socday imtixaankii dugsigeyga sare, hase yeeshee dhawr maal-mood kadib ayaa waxaan imid xaafadii ay Sacdiya joogtay ee Carwo iidko, waxaana la’isheegay in Sacdiya ay guursatay seddex maalmood kahor, halkii ayaa naxdin darteed kula dhacay.

Walaalahey iyo asxaabteeda oo si’aad ah ula socday xiriirkii inaga dhaxeeyay aniga iyo Sacdiya, ayaa si’aad ah ula yaabay dhacdada foosha xun ay ku kacday Sacdiya, hase ahaatee waxaan ku aruuray sariir.

18 cisho kadib ayay qoyskeyga i direyn magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan, halkaa oo aan dhalasho ahaan kasoo jeedo, waxayna igu yiraahdeyn, waxaa Hiiraan ku dhaqan ama ku sugan gabdhaha Soomaalida kuwooda ugu quruxda badan, hase ahaatee markaan tagay Baladweyne, ayaa waxaa kasoo waayay mid u dhiganta Sacdiya, ama dooqeyga ah, waxaanse dib ugu laabtay magaaladda Muqdisho.

Muqdisho oo aan aad u jeclaa ayaa iga hortamid, anigoo u amba baxay dalka Kenya, maalmo kadibna waxaan u sii talaabay dalka Koonfur Afrika, laba sano markaan joogay Koonfur Afrika, ayaa waxaa maqlay in Sacdiya lasoo furay, farxad fara-badan kadib ayaa waxaa dib ugu soo laabtay magaaladda Muqdisho, hase ahaatee waxaa la i sheegay in Sacdiya ay aaday degmada Xarardhere ee gobolka Mudug, waxaana socdaal kaga soo baxay Muqdisho, waxaana imid degmada Cadaado, dadka aanu qaraabo aheyn ayaa Sacdiya ka wareystay, waxaana la’isheegay in lagu guursaday degmada Xarardhere, niyad jab kadib ayaa waxaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Markaan ka quustay Sacdiya ayaa waxaa Baladweyne ku guursaday xaaskeygii ugu horeysay, iyadoo iminka i heysa laba gabdhood,

Ugu dambeen iminka waxaa ku noolahay magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana u jooggaa leen dibada ah, anigoo rajeynaaya inaan aado Qaaradda Yurub haddii uu Alle idmo.

By Dhacdo
C/Carabka
Moqokori.net
Holand
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com