|
|
|
|
Shirkad Ajnabi ah oo la sheegayo in ay la wareegayso dhamaan howlaha dekadda iyo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho
Isniin,06,Sep, 2010 (Moqokori) Wafdi ka socda shirkad ajnabi oo la qorsheynayo inay la wareegto howlaha dekadda iyo Ayraboorka Muqdisho ayaa dhawaan Muqdisho tagay, waxayna kulamo la qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka. Shirkadda la sheegay in lagu wareejinayo dekedda iyo garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu magacaabaa SKA Air and Logistics, taas oo uu fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Wararku waxay sheegayaan in kahor inta aan si rasmi ah loo dhameystirin qorshaha wareejinta dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu Madaxweynaha marka hore qorsheynayo in maamulka dekedda uu is bedel weyn ku sameeyo, isla markaasna uu xilka ka qaado maareeyaha dekedda, uuna u magacaabo maareeye kale oo la shaqeynaya shirkadda lagu wareejiyay maamulidda dekedda iyo garoonka diyaaraha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho. Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shirkadda SKA Air And Logistics ee lagu wareejiyay maamulka dekedda iyo garoonka diyaaradaha ay qorsheynayso inay si rasmi ah ula wareegto 1-da sanadka cusub ee sanadka 2011-ka, waxaana la sheegay in shirkaddan ay ka shaqeyso dalalka ay dagaalada ka socdaan sida Ciraaq iyo Afganistan iyo dalka Soomaaliya oo hadda lagu wareejiyay. Qorshahan lagu wareejiyay dekadda iyo Ayraboorka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu yahay mid qabyo ah oo aan weli si rasmi ah loo dhameystirin, iyadoo shirkadda lagu wareejinayo iyo madaxda dowladda KMG uu weli wadahadal u socdo.
|