Gudoomiyihii Hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed oo sheegay inay wadaan abaabul dagaal oo ay ku Xureynayaan Gobolka Hiiran
Jimco, 27, Augus, 2010 (Moqokori)

Gudoomiyahii hore ee Gobalka Hiraan oo maalmahii la.soo dhaafay ku howlanaay diyaarinta cidamada dowlada ee gobalka hiraan ayaa sheegay in ay mareyso meel gaba gabo ah hada.

Yusuf Axmed Hagar(Dabageed) oo ka waramayey howlaha abaabul Dagaal ee maalmahii la soo dhafay ay ka wadeen qeybo ka mida gobalka hiraan, ayaa waxa uu sheegay in hada howlahaas ay marayaan meel gaba gabo ah, dhawaane dagaal ay lagali donaan. xarakada Alshabaab oo inta badan hada gacanta ku hayso gobalka hiraan ee baratamaha dalka somali,
Dagalkaas oo uu sheegay Yusuf Dabageed in looga saarayo AL-shabaab dhamaanba gobalka hiraan

Maalmahii la soo dhafay ayaa waxa jiray hadalo soo baxayay oo sheegayay in xubno ka tirsan masuliinta cidamada DKF somalia ee gobalka hiraan uu hogaminayo Yusuf Dabageed ay ka wadeen abaabul qeybo ka mida gobalka, deganadaas oo ay ka mid tahay Comaad, Hees. iyo Teedan oo dhamaantood kuyaalo Bariga gobalka hiraan.waxana wararka ay intaasi ku darayeen in ay halkaasi ka wadeen kulamo ay laqadanayeen dadka degaanka iyo sidoo kale aruurin cidamo cusub ku waas oo ka mid noqodoono cidamada DKF ee hada ku sugan degaanada Kalaber, Beer-gadiid iyo Bacda,

Gudoomiyahii hore ee gobalka hiraan Yusuf Axmed Hagar ayaa mar laweydiyay , waxa ay ku saabsanayeen kulamada ay laqaateen dadka ku nool deganadaas , waxa uu sheegay in ay ka arinsanayeen oo kalix sidii lesku kashan lahaay dhamaan dadka shacabka oo leskaga saari lahaay waxa uu ugu yeray cadowga ku soo duulay gobalka hiraan.waxana arintaan ay imanesaa xili lafilayo in gobalka uu soo garso wasirka lacagta Dowlada KMG somalia.

Abaabulkaan uu ka dhawaajiyay Gudoomiyahii hore ee gobalka hiraan ayaa ah mid dhamaan gobalka lahadal haayo. cidamadan uu hogaminayo yusuf dabgeed ayaa marar badan soo werary Magala Madaxda Gobalka hiraan ku waas oo marki danbane dib loga qabsaday.

Xafiiska wararka
.Baledweyn Online
Baledweyne Somalia
moqokori.net@hotmail.com
cmdiiroow@hotmail.com